daajis.com:- Liverpool ayaan sugin waqti fog waxa ayna daqiiqaddii labaad ay Aston Villa kaga naxsdeen gool si wacan looga shaqeeyay .
Milner ayaa goolkaas dhaliyay waxaana ka shaqeeyay oo dhisay kubad sameeyaha kooxdaas ee Coutinho.
Ka dib goolkaas ay hogaanka ku qabteen Liverpool waxa ay biloowgii ciyaarayeen kubad ku dhisan baasas
Liverpool ayaa waday dadaal gool kale ay ku keenayaan waxaana ka shaqeynayay Coutinho , sidaas oo ay tahay Villa waa ay cadaadinayeen kooxda Anfield ka dhisan xilli ay ka sheegnaayeen in kubaddaha si wacan u laadaan.
Milner ayaa ka mid ahaa xiddigaha aad ka uga dhaq dhaqaayay Liverpool xilli Coutinho ahaa kubad sameeyaha kulankaas balse waxaa Liverpool ka maqnaa in dadaalkaas u turjumaan goolal , waxa ayna kooxda.com xuseysaa in nasiinada lagu aaday halkaas gool xilli Liverpool ay aad u wacnaayeen
Biloowgii soo laabashada , Aston Villa waxa ay u muuqdeen kuwo dib u gurtay waxa ayna u baahnaayeen badel si hanaanka ciyaarta ugu soo laabtaan
Liverpool waxa ay daqiiqaddii 54-aad ay heleen goolkii labaad ee ay raadinayeen waxaana u dhaliyay Daniel Sturridge waxaan goolkaas ka shaqeeyay Milner xilli uu cadaadis kala kulmayay daafaca Aston Villa
Ka dib goolkaas Aston Villa waxaa saarmay cadaadis aan kala joogsi laheyn xilli Liverpool ahaayeen ku duullaan ah .
Aston Villa ayaa iska heshay gool daqiiqadii 66-aad waxaan u dhaliyay Rudy Gestede balse intii dabaal degga ku maqnaayeen ayuu Daniel Sturridge dhaliyay gool labaad wax ka yar hal daqiiqo , ka dib ciyaarta waa is badashay xilli Aston Villa heleen gool labaad waxaana daqiiqaddii 71-aad u dhaliyay mar kale Rudy Gestede
Villa dhamaadkii ciyaarta waxa ay u muuqdeen kuwo ay ku adag tahay in si sax ah kubadda iskula helaan waxaana laga dareemayay cadaadis ka dib laba gool oo ay deg deg ku dhaliyeen
Ciyaartaan qeybtii labaad laheyd deg degsiimada aya ku dhamaatay 3/2 oo ay ku raacday Liverpool.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:02 and have
, Published at