daajis.com:- Kevin De Bruyne ayaa markale muujiyey in lacigihii ay kusoo iibsatay kooxdiisa Man City ahaayeen kuwo sax ah, isagoona hogaanka u dhiibay City kulankaan daqiiqadii 25-aad ka dib markii uu caawin ka helay xiddiga muslimka ah ee Yaya Toure.
Kooxda Martida loo ahaa ee Tottenham ayaa u adkaysan wayday in iyada oo joogta taageerayaasheeda horteeda kulanka City hogaamiso, waxayna heleen goolka barbaraha daqiiqadii ugu damabaysay qaybta hore ee ciyaarta, waxaana ku faro yaraystay Eric Dier.
Markii la isku soo laabtay ciyaarta Spurs ayaa la wareegtay Kantaroolka ciyaarta, xiddiga reer Argentina Lamella ayaa bilisyoon soo qaaday daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta, waxana madaxa ku dhaliyey xiddiga Toby Alderweireld.
Waxa qaladka goolkaas iska lahaa goolhayaha City iyo weliba daafaca oo kubadaas difaacan waayey.
Wiilka reer England ee ay dhowaanahan ka jiiftay Harry Kane ayaa daqiiqadii 61aad ee ciyaarta goolka sadexaad u dhaliyey kooxdiisa, waxana uu shabaqa dhex dhigay kubad Free Kick ama Bilisyoon ahayd oo aad qurux badnayd oo birta ku dhacday oo soo laabatay, wixi intaas ka dambeeyey ciyaarta ayaa noqotay hal dhinac.
Goolka uu dhaliyey Kane ayaa ula micno ah inuu ka baxay abaar uu ku jiray sideedii kulan ee ugu dambaysay oo uusan wax gool ah dhalin.
Goolka guusha ee xasuuqa ayaa waxaa keenay xiddiga reer Argentina Erik Lamela kaas oo dhulka dhigay Otemendi iyo weliba goolhayaha City ka hor inta uusan goolka si qurux badan u dhamaystirin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:52 and have
, Published at