daajis.com:- Wafdiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa maanta isaga baxay shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda.
Gaas ayaa ku dooday in maamulka Galmudug oo isna shirka qeyb ka ah uusan ahayn maamul goboleed sax ah, islamarkaasina aysan suurta gal ahayn inuu ka qeyb galo shirka.
Marka laga yimaado aragtida Puntland dhamaan maamul goboleedyada kale ee shirka ka qeyb galaya ayaan qabin fikirkaas, waxayna qabaan in maamulka Galmudug uu lamid yahay maamulada kale ee dalka kajira.
xasanwadatashiga1Wafdiga Puntland ee uu hogaaminayo C/wali Gaas, ayaa shalay ka qeyb galay shirka waxayna u muuqdeen kuwo raali ka ah ka qeyb galida maamulka Galmudug, balse waxay wax walbo is badaleen maanta, waxaana warar hoose ay sheegayaan in wasiirada Puntland ee shirka ka qeyb galaya ay Madaxweyne Gaas ku cadaadiyeen inuu shirka isaga baxo, islamarkaasina aysan suurtagal ahayn ineey shirkaas qeyb kasii ahaadaan, taasoo dhibaato xoogan uga keeni karta gudaha Puntland, maadaama Puntland ay horay u cadeysay ineeysan marnaba aqoonsan doonin maamulka Galmudg.
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa iyagu horay u sheegay ineeysan marnaba ka qeyb gali doonin shirka Muqdisho, laakiin cadaadis Caalami ah oo kaga yimid beesha Caalamka ayaa ku qasabtay ineey ka qeyb galaan shirkaas.
C/wali Gaas ayaa hada u muuqanaya mid uu cadaadis ka haysto 2 dhinac, oo kala ah cadaadis dhanka gudaha maamulkiisa ah , kuwaasoo kasoo horjdeeda inuu ka qeyb galo shir uu Maamulka Galmudug qeyb ka yahay, iyo cadaadis dhanka beesha Caalamka ka haysta oo iyagana ku cadaadinaya inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga ee Muqdisho maalinkii 2-aad ka soconaya.
wadatashiga ku aadan halka loo socdo marka uu dhamaado wakhtiga dawladda hadda jirta ayaa socon doono illaa iyo 7-da bisha soo socoto ee October
Dawladda ayaa hore meesha uga saartay suurtagalniamda qabsoomida doorashada hal qof iyo cod.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:54 and have
, Published at