Video: Muslimiinta Kenya iyo kuwa Masiixiga oo ku wada tukaday Jamia Mosque

Video: Muslimiinta Kenya iyo kuwa Masiixiga oo ku wada tukaday Jamia Mosque

daajis.com:- Madaxda Muslimiinta dalka Kenya gaar ahaan kuwa Nairobi, ayaa shalay salaadii jimcaha Masaajidka weyn ee Jamia Mosque, ku marti qaaday madaxda Diinta Kirishtaanka, iyagoona hal meel ku wada dukaday.

Arrintaan ayaa looga gol lahaa in Muslimiinta iyo Kirishtaanka Kenya ay muujiyaan sida ay isugu duuban yihiin marka laga hadlaayo arinta argagixisada oo dalka Kenya dhib weyn ku haysa.

Boqolaal hogaamiyaasha diinta Kirishtaanka ayaa shalay ku dukaday masjidka Jamia, waxayna si wadajir ah u cambaareeyeen weerarada argagixisada ka geysato dalka Kenya iyo sidoo kale falalka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay ciidamada Kenya kula kacaan dhalinyarada iyo wadaadada muslimiinta ah.



Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili Kenya ay u diyaar garoow ugu jirto xuska munaasabada maalinka loo asteeyay (Maalinka Nabada) oo ku aadan Isniinta soo socota, waxaana munaasabadaan loogu tala galay in laysku soo dhaweeyo Qoowmiyadaha kala duwan ee ku nool Kenya.


Sidoo kale madaxda Muslimiinta Kenya ayaa iyagana lagu wadaa in maalmaha soo aadan ay booqdaan dhowr Kaniisad oo ku yaal Nairobi.

Shiikh Abdullatif oo u hadlay madaxda Muslimiinta Kenya, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Muslimiinta iyo Kirishtaanka Kenya hal meel uga soo wada jeestaan falalka argagixisada, iyo ineey muujiyaan isku duubnaan wadajir ah, islamarkaasna aysan banaaneen in qofka diinta uu aaminsanyahay la farageliyo ama loo dhibaateeyo.

Daniel Juma, oo ah madaxa diinta masiixiga Kenya, ayaa isna dhankiisa sheegay in kasoo qeybgalkooda salaada Jimcaha ee Muslimiinta ay muujineyso sida ay ugu niyadsanyihiin in hal meel looga soo wadajeesto kuwa wada xumaanta iyo iska horkeenida bulshada Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada