daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ayaa waxa ay kulan gaar ah oo ku aadan arrinta Suuriya waxa ay ku yeesheen magaalada New York oo uu ka socdo shirka guud ee Qaramada Midoobay.
Waxaa la filayay in xal kama dambeys ah ay ka gaari doonaan arrimaha ku saabsan dagaalka sokeeye ee ka soconaya waddanka Suuriya, hasayeeshee rajadii laga qabay heshiiskaasi ayaa waxaa hareeyay khilaaf ba'an oo u dhaxeeyay oo xitaa si cad uga muuqday khudbadihii ay u jeediyeen hoggaamiyeyaasha caalamka.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in hoggaamiyeyaashani ay ku heshiiyeen in xal siyaasadeed lagu soo afjaro colaadda dalka Suuriya basle waxa ay ku guuldareysteen in ay ku heshiiyaan waxa uu noqonaya mustaqbalka madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxa uu sheegayaa in dhigiisa mareykanka Barack Obama uu la yeeshay kulan muhiim ah oo daacadnimo ku dheehantahay.
Mr Putin waxa kale oo uu sheegay in dalkiisa uu xoojinayo ciidamada Suuriya balse waxa uu meesha ka saaray in halkaasi uu u dirayo ciidamo ka hawlgala dhanka dhuulka.
Waxa uuna intaasi ku daray in duqeymo ay ka geysan doonaan meelaha ay joogaan kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada balse ay ixtiraanmi doonaan shuruucda caalamiga ah si ka duwan buu yiri duqeymaha ay geysanayaan xulufada uu Mareykanka hoggaamiyo.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Putin iyo Obama ay go’aansadeen in ay ciidamadooda amraan in ay ka wadahadlaan sidii ay uga baaqsan la haayeen dagaal ku dhex mara gudaha dalka Suuriya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:58 and have
, Published at