daajis.com:- Waxaa Maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay uu dab xoogan ka kacay Masjidka Baitul Futuh oo kuyaala Magaalada London, waxaana dabka Masjidka ka kacay uu qasaaro kala duwan gaarsiiyay dhismaha Masaajidka iyo goobo kale oo ku dhagnaa.
Ciidamada booliiska Magaalada London ayaa xabsiga dhigay labo qof oo dhalinyaro ah kuwaa oo lagu tuhmayo in iyagu ka dambeeyeen dabka ka kacay dhismaha Masaajidkan kuyaala Koonfurta Magaalada London.
Labadan Dhalinyaro oo da’dooda lagu kala sheegay 16 iyoo 14 ayaa la xiray maalintii shalay oo axad aheed, waxaana ku socda baaritaano la xariira dabka lagu tuhmayo in iyagu ka dambeeyeen iyo cida soo adeejisay.
Dabka ka kacay Dhismaha Masjidka Baitul Futuh ayaa qasaaro kala duwan gaarsiiyay dhismaha Masjidka, waxaana qasaaraha ugu badan uu gaaray Dhismo xafiisyo ku dhagan masaajidka, waxaana daminta dabkaasi ka qeyb qaatay in ka badan 70-dab damis.
Masjidka Baitul Futuh ayaa la rumeesan yahay in uu yahay kan Ugu weyn Qaarada Yurub , waxaana Masjidkan la dhisay sanadii 2003-dii, Masjidkan ayaana ah mid aad loo qurxiyay ayna ku cibaadeestaan Kumanaan Muslimiin ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at