daajis.com:- Jose Mourinho ayaan ku qancin qaab ciyaareedka liita ee ay soo bandhigeen qaar ka mid ah wiilashiisa kulankii ay St James Park barbaraha kula soo galeen Newcastle United xili ay kooxda wajaheyso todobaadkaan kooxdisii hore Porto kulan ka tirsan Champions League-ga oo ka dhici doona Portugal.
Blues si fiican kuma bilaaban xagaagan horyaalka Ingiriiska iyadoo Mourinho uu ka walwalsan yahay qaar ka mid ah xidigahiisa ugu muhiimsan iney lumiyaan booskooda.
Inkastoo uusan magacaabin magacyada ciyaartoyda hadana Bransilav Ivanovic, Cesc Fabregas, Gary Cahill iyo Xitaa Eden Hazard ayaa ka mid ah xidigaha Blues u hogaamiyay xagaagii hore horyaalka balse aan xagaagan shaqo fiican qaban.
“Aad baan uga walwalsanahay” Ayuu yiri Jose isagoo sheegay iney kooxdiisa soo bandhigtay qaab xun qeybtii hore ciyaarta, “Ma fahmin waxa ay tahay mana aqbali doono” ayuu hadalkiisa ku daray.
Mourinho ayaa ka dhawaajiyay inuu go’aansaday inuusan sameyn wax badal ah waqtigii nasashada iyadoo Blues 1-0 looga hogaaminayo wuxuuna ku micneeyay iney jireen xidigo badan oo u qalmay in garoonka laga soo saaro.
“Ma garan karo go’aanka aan qaatay” ayuu Mourinho hadalkiisa sii raaciyay isagoo aan carabaabin in Terry uu kulanka Porto qeyb ka yahay.
“Waxaa jiray lix ciyaariyahan oo ay aheyd inaan kasoo saaro garoonka”
“Waxaan u baahday inaan sameeyo lix badal, taasina waxey ku tusineysaa sida aan u xumeen”
Dhanka kale Mourinho ayaa u sheegay wiilashiisa ineysan kulan ka mid ah horyaalka guul gaari doonin hadii ay u ciyaaraan sidii ay u ciyaareen qeybtii hore ciyaarta, balse ay kulan walba guuleysan karaan hadii ay u ciyaaraan sidii qeybtii labaad.
“Hadii aan u ciyaarno sida qeybtii labaad, waan guuleysan karna kulan walba xili ciyaareedkaan”
“Balse hadii aan u ciyaarno sidii qeybta hore, kadib waxaan lumin doonaa kulan walba”
“Waan ku wareeray waana fahmi la’ahay sababta aan daciifka u nahay”
Ugu dambeyntiina Jose Mourinho ayaa laga yaabaa inuu keydka galiyo qaar ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda kulamada soo foolka leh.
Yaad Is Leedahay Waa U Qalmaa In Keydka La Galiyo?
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:33 and have
, Published at