daajis.com:- Ashley Young ayaa ka dhawaajiyay in Manchester United ay u dagaalameyso koob walba oo ay qeyb ka tahay xili ciyareedkaan kadib markii ay hogaanka u qabteen horyaalka Ingiriiska markii ugu horeysay muddo 110 isbuuc ah.
Louis Van Gaal wiilashiisa ayaa ku fariistay halka ugu sareysa horyaalka kadib markii ay 3-0 ku garaaceen Sunderland kulan ka tirsan horyaalka, iyagoo dhibic ka saramaray Manchester City oo xasuuq lama filaan ah kala kulantay Tottenham Hotspur oo ay ugu martisay White Hart Lane.
United ayaa dib ugu soo laabatay Champions League xagaagan inkastoo ay guuldaro ku furtay, sidoo kalana waxey u gudubtay wareega afaraad ee koobka Capital One Cup kadib guul ay ka heleen Ipswich Town, Young ayaan doonaya iney kooxdiisa koob ku guuleysato xagaagan.
“Waxaa nimid horyaalka inagoo leh waxaan u dagaalameynaa horyaalka” ayuu Young u sheegay MUTV, “Koox sida Man United oo kale ah waxey dooneysaa iney u dagaalanto wax walba oo ay qeyb ka tahay – Horyaalka, Champions League-ga iyo labada koob, waxaan dooneynaa inaan dib usoo celino ku guuleysiga koobabka”
“Waxaan sameynay wax fiican horyaalka, balse wado dheer ayaa na sugeysa, sidaas darteed waa inaan u wajahnaa kulan walba sida uu ku yimaado”
Si kastaba Young oo kulanki Sunderland badal ku yimid isla markaana caawiye ka ahaa goolkii sadexaad ee dilay Sunderland kaas oo uu dhaliyay Juan Mata ayaa sidoo kale ka hadlay ka ciyaarida daafaca bidix.
“Waxaan ahay xidig leh xirfado badan kaas oo booskaas u ciyaari kara si wanaagsan” ayuu yiri, “Waxaan ciyaaray booskaas kulankii league Cup-ka hadii uu macalinka mar kale iisoo doorto waan ciyaari doonaa waxaana siin doonaa dadaal dheer sidii aan sameyn jirayba”
Ugu dambeyntiina Young ayaa soo kabsasho deg-deg ah u rajeeyay Luke Shaw isagoo u sheegay xidiga ay dhalsahda wadaagan in qof walba uu dhankiisa yahay isla markaana ay la dareemayaan wax walba.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at