Madaxweynaha Galmudug oo ugu baaqay Ahlusuna inay wada hadal la galaan maamulkiisa

Madaxweynaha Galmudug oo ugu baaqay Ahlusuna inay wada hadal la galaan maamulkiisa

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay dib ugu laabtay degmada Cadaado ayaa mar kale wada hadal ugu baaqay Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu ku qanciyo Ahlusuna wax kasta oo ay ka tabanayaan.

“Waxaan rabaa inaan baaq Nabadeed u diro Ahlusunna Wal-jameeca, taasoo ah inay Ajiibaan Wad ahadalka Dowladda iyo Maamulka Galmudug si horumar loo gaaro”ayuu yiri Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed Ayuu yiri Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in wax kasta oo khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal, isagoo xusay in maamulkiisa uu yahay maamul dib u heshiisiin.

Ahlusuna Wal-jameeca oo gacanta ku haysa xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana dhinacooda ay Madaxweyne ku doorteen Dhuusa Mareeb.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado dagaal oo u dhaxeeyay labada dhinac, waxaana dhowaan dagaal ka dhacay Caabudwaaq uu ku dhex maray Ciidamo kala taabacsan Ahlusuna iyo Galmudug.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada