daajis.com:- Waxaa muran iyo Xiisad badan dhaliyey Xadhiga Loo maamulka Somaliland uu magaalada Hargeisa ugu gaystay maalintii shalay qaarkamida ah Fanaaniinta xidigaha geeska oo dhowaan Baldhig Faneed ku qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Qorshaynta Dawlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte oo ka hadlayey Arintaasi ayaa wuxuu yidhi “Waxaan cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee maamulka Somaliland kula kacay kooxda Xiddigaha Geeska Afrika kaddib markii ay showgii ciidda ka dhigeen Muqdisho. Falkan wuxuu muujinayaa kalsooni darro, dhaqan siyaasadeed cabburis ku saleysan iyo weerar ka dhan ah fanka iyo suugaanta oo ah ubucda wali isku haysa Soomaalida. Fanku waa soohdin laawe. Xusid waxaa mudan in kooxdan ay hore show uga dhigeen Jigjiga iyo Jabuuti,, Maamulka Somaliland waxaa la gudboon inuu sida ugu dhakhsaha badan xorriyaddooda u siiyo kooxdan”
Dhinaca kale Fanaanka Nimcaan Hilaac ayaa Bartiisa Facebook wuxuu soo dhigay qoraal kooban oo uu ku sheegay wixii gaadhay iyo Maxkamad loo wado “Waxaan filayaa in Bari nalooo gudbin doono Maxkamada, Anagoon Waxdanbiya galin Sifo sharci La aan ah Lanoo Xukumi doonaa, Qof Walba Oo jecel Xoriyadeyda inaan hello Full Information si uu u hello hala xidhiidho telkan 00252634550051 ama 00252634012799 si ay kolba ula socotan xaalkeyga hana la ii soo duceeyo anoo garab wax ka qaba wax la igu dilayna aan garanayn askarta oo aniga iyo ciro iyo oday qori dabadii nala dhacay aadna an u xanuun sanaayo hada wixii aan sidanayna lanaga qatey hala soo duceeyo” Ayuu yidhi.
Sidoo kale waxaa Lasoo bandhigay xaalada Sawir Xabsiga looga soo dhex qaaday Fanaanada Xamda Queen, Iyadoona ay xaaladu hada kasii darayso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at