daajis.com:- Kooxda Real Madrid ayaa so ceebasyay kooxda Espanyol oo ay marti u ahayd, waxayna Los Blancos kulankan ku soo gumaaday kooxda ay martida u ahayd ee Espanyol 6:0, waxaana shan gool oo ka mid ah lixda gool ee Madrid shabaqa soo taabsiiyay Cristiano Ronaldo oo si cajiib ah ugu jawaabay dadkii shakiga ka muujiyay inuu hoos u dhacsameeyay.Ronaldo ayaa jabiyay Di Stefano ee gool dhalinta Madrid wuxuuna noqday ciyaartoyga Madrid ugu goolasha badan.
Kooxda Real Madrid ayaa marti u ahayd kooxda Espanyol, waxayna kooxda Benitez doonaysay inay sii wadato qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ee ay soo bandhigtay kulankii ay Barnabeu ku xasuuqday kooxda Real Betis, laakiin Real Madrid ayay kulankan dhaawacyo kaga maqanayeen James Rodriguez iyo Danilo.
Benitez ayaa shaxdiisa ku sameeyay afar isbadal, wuxuuna booskii uu Danilo baneeyay ku bilawday Dani Carvajal, halka Pepe uu badalay Raphael Varane, dhinaca kale Toni Kroos ayaa kursiga kaydka la fadhiisyay waxaana booskiisa ku bilawday Casemiro. Booska uu James Rodriguez ka dhaawacmay ayuu badalay Isco.
Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay dardar cajiib ah taas oo keentay inay ciyaartaba hurdada u diraan 20 kii daqiiqo ee ugu horaysay. Cristiano Ronaldo oo muddo goolasha ka soo manaa ayaa wacdarihiisa la soo baxay wuxuuna saddexley ku dhaliyay 20 daqiiqo isaga oo Real Madrid ciyaarta uga dhigay mid sahlan.
Daqiiqadii 7 aad ayuu Cristiano Ronaldo dhaliyay goolkiisa kowaad ee uu Real Madrid hogaanka ugu dhiibay kadib markii uu ka faa’iideeyay kubbada qurux badan oo uu ka helay Luka Modric, wuxuuna Ronaldo sidaa ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan iyo waliba goolkiisii ugu horeeyay La ligaha. Ciyaarta ayaa noqotay 1:0 ay Real Madrid hogaanka kula wareegtay.Ronaldo
Markale Cristaino Ronaldo ayaa soo goolkiisa labaad dhaliyay wuxuuna markan goolka labaad ee Madrid ku dhaliyay rekoodhe kadib markii uu Álvaro qalad ku Bale oo xerada ganaaxa Espanyol ku jira, waxaana kubbada qaatay oo rekoodhahan gool u badalay Cristiano Ronaldo kaas oo goolkan dhaliyay daqiiqadii 17 aad, wuxuuna markan ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Real Madrid xili horeba hogaanka ku dheeraysatay.
Espanyol ayaa u muuqatay inay xili horeba kala daadatay, waxaana saddex daqiiqo kadib saddexleydiisa dhamaystirtay Cristiano Ronaldo kaas oo goolkiisa saddexaad dhaliyay daqiiqadii 20 aad waxaana markan caawinta goolka Ronaldo magiciisa ku qoray Gareth Bale kaas oo xoriyad badan ka helay difaaca Espanyol, waxayna markan ciyaartu isku badashay 3:0 ay Madrid ciyaarta hurdada ugu dirtay xili horeba.
Ma jirto wax naxariis ah oo laysku muujinayaa, waxaana halkeeda ka sii socotay dhibta ay Real Madrid ku hasyatay kooxda ay martida u ahayd, waxaana markan xaashida goolasha Madrid magiciisa ku qoray Karim Benzema kaas oo gacan caawineed ka helay Cristiano Ronaldo, wuxuuna Benzema markiisa ciyaarta ka dhigay 4:0 ay Madrid ku xasuuqayso Espanyol.
Real Madrid ayaa qaybta hore ee ciyaarta soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah halka ay Espanyol ahayd kooxda garoonka ugu liidatay isla markaana soo bandhigtay qaab ciyaareedka liitay ee Real Madrid oo marti ahayd u sahashay inay xili horeba dhashato afar gool. Qaybta hore ayaa lagu kala nastay 4:0 ay Los Balancos hogaanka ugu raaxaysanaysay.
Cristiano Ronaldo ayaa jabaiyay rekoodhkii gooldhalinta ee Real Madrid oo uu haystay Di Stefano. Ronaldo ayaa 202 kulan oo La ligaha ah dhaliyay 228 gool, wuxuuna ka sare maray Di Stefano oo 329 kulan ku dhaliyay 227 gool.Laakiin Ronaldo ayaa 316 gool udhaliyay Madrid tartamada oo dhan.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid sii wadatay inay ciyaarta iska sii maamulato waxaana markale daqiiqadii 62 aad goolkiisa afaraad iyo goolka shanaad ee Madrid dhaliyay Cristiano Ronaldo kaas oo markale gacan caawineed ka helay Gareth Bale, waxayna ciyaartu noqotay 5:0 ay Madrid ku dhibaataynayso Espanyol.
Intaas goolasha Madrid iyo Ronaldo kumay joogsan, wuxuuna markale Ronaldo oo ay maalintiisii ahayd uu goolkiisa shanaad iyo kan lixaad ee Madrid dhaliyay daqiiqadii 81 aad, wuxuuna markan ka faa’iidaystay kubbad uu ka helay Lucas Vázquez oo Karim Benzema lagu soo badalay. Ciyaarta ayaa noqotay 6:0 ay Madrid ciida ku cunsiinayso Espanyol oo xili horeba burburtay.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 6:0 ay Madrid ku gumaaday Espanyol.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:38 and have

