daajis.com:- Kabtankii hore Liverpool Steven Gerrard ayaa ka dhawaajiyay iney kala qeybsanaan ka jirto qolka labiska Chelsea isla markaana xiriirka u dhaxeeya kabtanka kooxda John Terry iyo macalinkiisa uusan wanaagsaneen.
Terry ayaa qaab ciyaareed liita soo bandhigay horaantii xagaagan iyadoo la badalay qeybtii dambe kulankii labaad ee horyaalka oo ay City guuldarada kala kulmeen isagoo sidoo kale casaan qaatay kulankii ay sida dhibta ah uga badiyeen West Bromwich Albion.
Terry ayaa kursiga keydka la galiyay kulankii ay xalay Blues 4-0 ku garaacday Maccabi Tel Aviv kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub, Gerrard ayaana ku micneeyay in xiririrka u dhaxeeya labadaan qof uusan wanaagsaneen.
Former England captain and BT sport pundit Steven Gerrard (centre) suggested the pair have fallen out
“Waxaa jirta kala qeybsanaan yar sida laga garan karo muuqaalka sidey aniga ila tahay, waad ciyaarsineysa isbuuc, isbuucna keydka ayuu galaya, waana kabtankaaga” ayuu yiri Gerrard oo ka hadlayay BT.
“Waa u muhiim inuu kasoo muuqdo qolka labiska, hadiise ay Blues ay dooneyso iney guuleysato xagaagan waa inuu isaga halkaas diyaar ku ahaadaa”
“Chelsea waa kooxdii sadex bilood ka hor aheyd horyaalka Ingiriiska, waxeyna heystaan Hazard ooo noqday xidigii ugu wanaagsan Ingiriiska iyo Fabregas oo shaqo badan qabtay”
Si kastaba Mourinho ayaa u jawaabay kabtankii hore Liverpool isla markaana ah shaqsi ay aad isku qadariyaan.
“Steven wuu qaldan yahay, aad ayaan u jeclahay isaga waxaana naga dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan, mararka qaarna waxaan ku xariirnaa fariin qoraaleed, balse wuu qaldan yahay waayo wax dhibaato ah ma jiraan gabi ahaanba”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at