daajis.com:- Doowlada Uganda ayaa taliye cusub usoo magacawday ciidamadeeda qeybta ku sugan degmada Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Arintaan ayaa ka dambeysay markii 15 sarkaal oo ku sugnaa Shabeelaha Hoose ay dowlada Uganda xilka ka qaaday, kuwaasoo qaarkood iminka ay maxkamad kaga socoto magaalada Kampala.
Taliyahaan cusub oo lagu magacaabo Col. Peter Emola, ayaa wuxuu badeli doonaa Col. Bosco Mutambi, oo ahaa taliyihii horay u hogaaminayay ciidamada ku sugan Jannaale.
Bosco Mutambi, ayaa xilka laga qaaday kadib weerarkii al-shabaab isbuucyo kahor ku qaaday saldhiga ciidamada Uganda ee Jannaale, halkaasoo lagu dilay in ka badan 50 askari.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at