Madaxtooyada Galmudug oo Ciidamo gadoodsan ay go’doomiyeen iyo Korontadii oo laga jartay xaruntaasi

Madaxtooyada Galmudug oo Ciidamo gadoodsan ay go’doomiyeen iyo Korontadii oo laga jartay xaruntaasi

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo ka gadoodsan mushaar la’ana kana tirsanaa Ciidamadii Maamulka Ximin iyo Xeeb ay xalay saacdao kooban go’doomiyeen xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamadan ayaa ka gadooday mushaar la’aan soo wajahday mudo sadax bilood ah, waxa ayna xalay gaadiid dagaal ay wateen ku horjareen albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada iyagoona diiday in la galo ama laga baxo xaruntaasi.

Waxaa arintan markii dambe soo galay saraakiil iyo masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug oo si hoose ula hadlay ciidamada gadoodka sameeyay, waxaana ciidankaasi lagu qanciyay in il gaar ah lagu eegi doono lana siin doono xaquuqdooda.

Xaalada xarunta Madaxtooyada ayaana markii dambe si caadi ah kusoo laabatay, waxaana arintan ay araggaxa ka abuurtay xarunta Madaxtooyada iyo guud ahaan cadaado, Ciidamada maamuka Galmudug ayaana bilihii lasoo dhaafay aanan helin wax mushaaraad ah.

Dhinaca kale Wararka laga helayo Madaxtooyada Galmudug ayna tabinayaan qaar kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegaya in xaruntaasi laga jartay korontadii ka shidneed , waxaana loo sabababeeyay in aan la bixin karonta laga isticmaalo Madaxtooyada dhoorkii bil ee lasoo dhaafay.

Maamulka curdunka ah ee Galmudug ayaa hada soo wajahday xaalado adag oo dhinaca dhaqaalaha, maamulkan ayaan wali laheyn il dhaqaalo ay lacago kasoo galaan, sidoo kale ma jiraan Hay’ado ka taageera Mushaaraadka masuulitiinta Galmudug iyo Ciidamada maamulkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in maamulkaasi uu fashilmo hadii aan loo helin dhaqaale lagu maareeyo xaaladaha cakiran.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada