daajis.com:- Waxaa loo aqoonsan yahay xabsiga “Ciudad Pinas” ee ku yaala konfurta El Salvador inuu yahay mid kamid ah xabsiyada caalamka ugu khatarta badan , aad ayaa loo ilaaliyaa , waxaa ku xiran Dambiilayaasha caalamka ugu khatarsan .
Xabsigan ayaa loogu tala galay 800-oo qof, laakiin hadda waxaa ku jira 2500 –oo qof.
Waxaa xabsiga booqday saxafi la yiraahdo “Adam Hinton” waxa uu kusoo arkay meel aad u dagan oo dhamaan dadka u xirani ay wada ilaalinayaan kala dambaynta , isagoo moodayay in xabsiga uu ka dhaco dhibaatooyin culculus oo uu la gilgisho maadaama ay meeshaa iskugu yimaadaan dadka caalamka ugu mashiidiyaysan , ugu dilaasan , dadka mukhaadaraadka dhoofiya , ee goobtaa ku sugnaa awgeed.
Adam ayaa yiri”meeshu aad ayay u liidataa, waxaa yaalla sariiro iyo furaashyo meel kastana iska daadsan , xaalku waxa uu shabahaa meel teendhooyin ah oo ku taalla garaasha , wixii aad ka filaysay meel ay dowladi maamusho ma laha oo kama helaysid , darbiga meesha ku yaala midabkiisu soo jiidsho ma laha , waxaana meel kasta ku qoran qoraallo lagu xardhay darbiga.
Xabsigan gudihiisa waxaa maamula kooxo gaangistarro ah oo is baahaystay , wax ciidan ilaalo ah gudaha xabsigan ku arki maysid, ciidanku waxay dadsan yihiin hareeraha xabsigan oo aad loo ilaaliyo .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:18 and have





