XOG QARSOON :- Khilaaf ka dhex jira Taliska Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya

XOG QARSOON :- Khilaaf ka dhex jira Taliska Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya

daajis.com:- Taliska ugu sareeya booliska dowladda federaalka Somalia ayaa khilaaf baahsan soo kala dhexgalay, kaasoo sababay in isbarbar yaac iyo kala war qab la’aan uu ku yimaado talisyada kala duwan ee Muqdisho iyo gobolada dalka.

Taliyaha booliska Jen. Maxamed Sh. Xaamud iyo Kuxigeenkiisa Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa khilaafka ugu weyn uu ka taagan yahay, kaasoo salka ku haaya dhinaca awooda maamulka iyo mid walba howsha uu ku magacaaban yahay inuu u madax bannaanaado.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, oo dhawaan booqasho ku tegay xarunta gobolka Hiiraan si loo dardar geliyo howlaha taliska booliska gobolka Hiiraan, ayaa socdaalkaasi uusan la dhacsaneyn Jen. Maxamed Sheekh Xaamud, una arka inuu booqday hoygiisa ama gobolkii uu kasoo jeeday. taas badalkeeda Jen. Mukhtaar uu kasoo horjeedo tababar dhawaan Baydhabo uu ugu furay Jen. Xaamud ciidamo ka tirsan boolis iyo tiro gaadiid cusub ee booliska loogu deeqay oo uu u diray halkaasi.




Taliye Kuxigeenka Booliska Jen. Mukhtaar

Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tan iyo markii uu xilka Taliska Booliska qabtay, waxaa soo baxayay khilaafyo iyo murano hareeyay taliyada booliska, taasoo usii dheer tahay dhaqaale la’aan ciidamada booliska haysato tan iyo markii la magacaabay, halka Jen. Xaamuud mushaar ahaan uu u qaato 100 Kun Dollarka Mareykanka una sii dheer yihiin gunooyinka iyo dhac dhaca kale. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada