Al-shabaab oo si cajiib ah u qariyay diyaaradii u gacan gashay

Al-shabaab oo si cajiib ah u qariyay diyaaradii u gacan gashay

daajis.com:- Iyadoo maalin ka hor ay diyaarad kusoo dhacday duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose, ayaa waxaa arrintaasi si qoto dheer uga hadlay C/qaadir Maxamed Nuur ”Siidii”oo ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Siidii waxa uu sheegay in Al-shabaab ay ka macaasheyso diyaaradaasi islamarkaana ay gacantooda ku jirto waxa uuna tilmaamay inay ku dul qariyeen geedo si aan ishu u qaban.

Waxa uu sheegay in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen dadkii saarnaa diyaaradaasi, islamarkaana ay kaxeysteen iyagoo indhaha ka xiran si ay su’aalo uga weydiyaan waxa uu ujeedkoodu ahaa.

“Xiriiro aan la sameynay dadka deegaanka waxa ay noo sheegen inay Al-shabaab indhaha ka xireen shaqaalihii la socday diyaarada. xitaa diyaaradii geedo inay jareen bay ku dabooleen si aan loo arag.”

“Waxay diyaaradda u qariyeen si diyaaradaha Drones-ka aysan faah faahin kaga helin, oo aan loo beegsan meeshii ay diyaaradda ku dhacday, oo ah inta u dhaxeyso Afgooye iyo Toora Toorow.”.

“Dhaawacyo ayaa jira, dad dhaawacmay oo diyaaradda la socday ayaa naloo sheegay. Makiinad ayayna ku jiideen diyaaraddii, si ay kaga saaraan dhiiqada. Meesha roob ayaa ka da’ay.”

Dhanka kale, Gudoomiye Siidii, ayaa wuxuu ka gaabsaday halka ay diyaaraddu ku socotay, waxa ay siday iyo waxa ay kala yihiin dadkii saarnaa, balse wuxuu xusay inay dib ka soo faah faahin doonaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada