Buffon oo ka hadlay waqtiga uu fariisan doono!

Buffon oo ka hadlay waqtiga uu fariisan doono!

daajis.com:- Kabtanka kubadda u qabta Juventus ee Gigi Buffon ayaa sheegay inay Juve tahay ‘koox uu dib u dhis ku socdo’ isagoo ballan qaaday inuu garoomada kusii jiri doono tan iyo 2018.

Qabtahan qawaarka ah oo haatan gugii 37-aad tirsaday ayaa weli muhim u ah koox iyo qaranba, wuxuuna qabaa in Old Lady ay kusoo noqon doonto jidkii guulaha sida ugu dhaqsaha badan.

Tiiyoo ay shalay 2-0 ku garaaceen kooxda Atalantan misna Bianconeri waxay taagan tahay kaalinta 12aad kadib 9 kulan oo Serie A ah.

“Waxaan nahay koox dib u dhismaysa oo raadinaysa inay hesho miisaanka saxda ah, kaasoo natiijadu ay la socon doonto,” ayuu yiri Buffon oo la hadlayay barnaamijka Rai ee ‘Che tempo che fa’.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada