Ciidamada Amaanka oo soo Qabtay Rag looga Shakiyay inay ka Danbeeyeen dilkii Beyle (VIDEO)

Ciidamada Amaanka oo soo Qabtay Rag looga Shakiyay inay ka Danbeeyeen dilkii Beyle (VIDEO)

daajis.com:- Ciidmadda amaanka ayaa howlgal ay maanta ka suubiyeen magaalada Muqdisho ku soo qabtay rag looga shakiyay inay ka danbeeyeen dilkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda madiino ee dagmeda Wadajir.

Degmada Wadajir ayaa maanta waxaa lagu dilay nin la sheegay in uu u shaqaynayay Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.


Dilka kadib ayaa waxaa ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ee NISA ay howlgal balaaran ka sameeyeen wadooyinka looga baxo ama kuwa laga soo galo ee magaalada Muqdisho, iyagoo howlgalkaasi la sheegay inay ku soo qab qabteen dhalinyaro looga shakiyay dilkii ka dhacay Degmeda Wadajir.

Ciidamada Dadka qaarijiya ee Ururka Al Shabaab u qaabilsan ugaarsiga dadka wax tarka ah ayaa la sheegay inay gudaha magaalada muqdisho u soo galaan oo kaliya inay dad ku qaarijiyaan, kadibna waxa ay si deg deg ah ugu baxaan banaanka magaalada si aan loo soo qaban

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada