daajis.com:- Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan ku wajahan deegaanka Camaara ee Koofurta Galmudug, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ka kala baxay degmada Cadaado, Hobyo iyo deegaanka Wasil oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay wehliyeen maleeshiyo beeleedyo ka soo jeeda Koofurta Galmudug, kuwaasoo doonaya inay ka hortagaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay diyaar garowgii ay kula wareegi lahaayeen deegaanka Camaara iyo deegaanada kale ee ay la wareegeen Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujiyay dhaq dhaqaaqyadan ciidan ee ka jira Koofurta Gobolka Mudug, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan tuulooyin laga barakacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:08 and have
, Published at