daajis.com:- Taliyihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa beeniyay warbixin ka soo baxday Kooxaha la socodka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo aheyd in ciidamada dowladda aysan wax mushaar ah qaadan.
Jen. Indha Qarshe oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay mushaaraadka ciidamada xooga dalka ay bixisay dowladda Mareykanka, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in wararka sheegaya in ciidamada aanay bilo mushaar qaadan.
“Warkaas waa waxban kama jiraan warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta, waxay warbixintaas kaga dan leeyihiin inay bajadkooda sii adkeystaan”ayuu yiri Jen. Indha Qarshe
Wakaalada wararka ee Reuters oo heshey warbixin ay arrimaha Soomaaliya ka qortey Guddiga Qaramada Midoobey qaabilsan cunaqabateynta hubka ee dalalka Eretria iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegey in awood darida Soomaaliya ka heysato in ay bixiso mushaaraadka askartooda ama xataa ay siiso cuno waxa ay qatar galisey oo ay wax kama jiraan ka soo qaaday sanado badan oo howl adag ay ku jireen, iyo guulihii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jireen Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegaa in aysan si joogto ah u qaadan mushaaraadkooda, xilli dagaal adag ciidamada ay kula jiraan Shabaabka hubaysan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:06 and have
, Published at