C/weli Gaas oo xero tababar ugu magac daray Jen. Ma-tukade

C/weli Gaas oo xero tababar ugu magac daray Jen. Ma-tukade

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa magacii xerada tababarka cidanka booliska ee deegaanka Xarfo ka badalay magacii hore ee Aqaale, isagoo ugu magac daray Jen. Ma-tukade.

Jen. Cabdullaahi Maxamuud Xassan (Matukade) oo xilal kala duwan kasoo qabtay Talisyadii ciidamada Booliska ee Dowladdii Kacaanka. ilaa heer Taliye sare uu ka gaaray, wuxuuna ku geeriyooday dalka Mareykanka 2001-kii.

Madaxweynaha Puntland oo tababar ugu soo xerayay xerada Aqaale ee gobolka Mudug ku dhowaad 500 askari oo ka tirsan ciidamada booliska ee laga soo kala xulay gobolada Puntland ayaa wuxuu sheegay in Jen. Ma-tukade uu mudan yahay in loogu magac daro mid ka mid ah xerooyinka ciidamada booliska Puntland.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada