War Deg Deg:- Askari Jabuutiyaan ah oo Nin Sargaal ah iyo askar kale ku dilay xero kutaala Magaalada Baladweyne

War Deg Deg:- Askari Jabuutiyaan ah oo Nin Sargaal ah iyo askar kale ku dilay xero kutaala Magaalada Baladweyne

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari katirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda dalka Jabuuti uu xerada lama galaay ee Magaalada Baladweyne uu ku dilay nin sargaal ah iyo askar kale oo katirsan Ciidamada Jabuuti.

Sida aan xogta ku heleyno askariga dilka geestay ayaa rasaas ku furay askar kale oo katirsaneed Ciidamada Jabuuti ee ku sugnaa xerada Lama galaay , waxa uuna weerarkaasi ku dilay sadax askari oo mid kamid ah la sheegay in uu taliyihiisa ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo askari oo kale.

Ciidamo kale oo katirsan AMISOM ayaa durba ku guuleestay in ay hubka ka dhigaan ayna xiraan askariga rasaasta ku furay Ciidamada uu katirsanaa, waxaana socda baaritaano ku aadan sababta ka dambeysa dilka .

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa laga soo xigtay in askariga dilka geestay loo diiday fasax uu codsaday sidaana uu caro ku qaaday, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan dilkan ka dhacay xerada Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Baladweyne.

Ciidamada MISOM ee howlgalka nabad ilaalinta loo keenay Dalka Soomaaliya ayaa marar badan dhaxdooda waxa ay dilal isugu geesteen xeryaha ay ku xareesan yihiin, waxaana aad u adag inta badan in la helo xogo badan oo ku saabsan waxa ka dhaca xeryaha AMISOM ay dagan yihiin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada