Daawo Dhibaatada lagu qabo isticmaalka jidka wadnaha

Daawo Dhibaatada lagu qabo isticmaalka jidka wadnaha

daajis.com:- Jidka wadnaha oo ah wado muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhibaato xooggan lagu qabaa isticmaalkeeda, iyadoo gebi ahaanba wadadaasi ay tahay mid burbursan oo gaadiidka aysan isticmaali karin.

Xiligan oo lagu guda jiro xili roobaadka ayaa gaadiidka waxay isticmaalaan wadooyin qarda jeex ah oo ku yaal xaafadaha dhexdooda, waxaana rajo aysan ka qabin inay si nadiif ah u isticmaalaan wadada wadnaha.

jidk-wadnaha-burbur-1Biyo wasaqeysan iyo qashin fara badan ayaa u dheer burburka ka muuqda wadada wadnaha oo ah mid muhiim u ah dadka ku nool caasimda dalka ee Muqdisho.



Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Jen. Muungaab, ayaa ka dhawaajiyay in maamulkiisa xil iska saarayo dhismaha wadadaasi, isla markaana waxaa guryaha Muqdisho lagu soo rogay canshuur sanadkii ay bixinayaan si dhaqaalaha kasoo xarooda loogu dhiso wadadaasi.

jidk-wadnaha-burbur-2Maamulka cusub ee Madaxweynaha u magacaabay ayaa laga sugayaa in balankii Muungaab inuu fuliyo, waxna ka qabto dhibaatada wadooyinka Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada