DAAWO: Qaraxii Gil-gilay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga (VIDEO)

DAAWO: Qaraxii Gil-gilay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa Duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Ankara laba qarax oo waaweyn, xilli uu socday bannaanbaxy ay dadku ku dalbanayen in Dowladda Turkiga ay joojiso duqeymaha ay ku hayso Kurdiyiinta.

Ciidamada ammaanka Turkiga ayaa waxay sheegeen in mid ka mid ah qaraxyada uu gaystay nin naftii hurre ahaa, halka qaraxa labaad loo maleynayo inuu ahaa miinada nooca gacanta laga haggo.


Qaraxan ayaa waxaa ugu yaraan ku geeriyootay dad gaarayay ilaa 84-qof halka 100 kalana ay ku dhaawacantay, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalka Turkiga.

Dadkan ayaa waxaa qaraxyada lagula beegsaday goob basaska laga raaco, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, marka laga soo tago in uu jiro tuhun ka dhan ah Ururka Daacish.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada