daajis.com:- Ciyaartii u dhaxaysay Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kan dalka Niger ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Addisababa dalka Itoobiya.
Waxaana 2-0 looga badiyay xulka qaranka Soomaaliya. Xulka qaranka Djibouti oo iyagana la ciyaarayay dalka Swaziland ayaa looga badiyay 6-0.
Xulka Niger waxaa labada gool u dhaliyay Muusa Moozu daqiiqadihii 58 iyo 62.
Ciyaartan ayaa aheyd mid is-reebreeb ah oo la’isugu diyaarinayo Ciyaaraha koobka aduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka sanadka 2018.
kulanka 2aad ee labadan kooxood ayaa waxa uu ka dhici doonaa dalka Niger maalinta Talaadada ee soo socota, Ciyaartan ayay ahayd inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, laakiin ammaan dari awgeed ayaa loogu qabtay magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya.
Halkaan Hoose ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at