daajis.com:- Waxaa shalay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ka furmay shirka wadatashiga qaran ee looga arinsanayo nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa marka la gaaro sanada 2016-ka , waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
Xarunta uu kasocdo Shirka Wadatashiga ayaa lagu arkay astaan muran badan dhalisay oo loo ekeesiiyay calanka Soomaaliya hadana wax badan ka badalan, astaantan ayaana la ogeyn cida soo aliftay iyo wax ay tahay.
Astaanta lagu arkay Xarunta Xalane ayaa ah mid si ugu eg hadana uga badalan astaanka Calanka Soomaaliya, waxaana boorka ku dhagsan astaan ka kooban buluug iyo cadaan ayna dhaxda uga taal Xudigta Shanta gees, Xidigta ayaana midibkeeda laga dhigay Cadaan iyo Buluug.
Baraha lagu sheekeesto ay isticmaalaan Bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn looga dooday astaantan cusub ee muranka badan dhalisay, waxaana dadkii ka hadlay ay ka dhiibteen fikrdao kala duwan, mana jirto ilaa hada masuul katirsan Dowlada oo sharaxaad ka bixiyay astaantan iyo waxa looga gon lahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:31 and have
, Published at