daajis.com:- Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan laga diray magaalada Muqdisho ayaa la wareegay deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, iyadoo ciidamadan oo gaaraya boqolaal askari ay ku wajahan yihiin deegaano dhaca bariga Galgaduud.
Col. Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha howl galka hogaamineysay ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in ciidamada ay si nabdoon kula wareegeen Wabxo iyo deegaano ku dhow dhow.
“Ciidamada waxay dagaal la’aan kula wareegeen Wabxo iyo deegaanada ku dhow dhow oo awal ay dhuumaaleysi ku imaan jireen, waxaana qorshaheenu yahay inaan gaarno deegaanada kale”ayuu yiri Col, Axmed Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada hogaamineysay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowaan Ciidamada ay isku furi doonaan Xarardheere ilaa Aadan Yabaal, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada dowladda iyo AMISOM oo iskaashanaya deegaanada ay ku harsan yihiin Al-Shabaab u dhaqaaqi doonaan.
Ciidamadan ka baxay magaalada Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku maray Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana ciidamadan oo maalmo ka hor gaaray Maxaas, halkaas ka kaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl galka AMISOM.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at