daajis.com:- Xidigii Hore Liverpool Djibril Cisse ayaa ku dhawaaqay shalayto inuu isaga fariistay kubada cagta gabi ahaanba sida ay ogaatay Goal.com maanta.
Cisse ayaa nasiib u yeesho inuu waayahiisa kubada cagta ku guuleysto koobka horyaalada yurub isagoo sanadkii 2005 kula guuleystay kooxda Reds, sidoo kalana Cisse ayaa koox la’aan ahaa xagaagan madama uu dhamaadkii xagagii hore isaga tagay kooxda Bastia.
34-jirkaan heerka caalami ayaa go’aansaday inuu isaga fariisto kubada cagta isagoo u waramayay Canal + ayuu yiri: “jirkeyga ayaa i istaajiyay, wax walbana waa soo dhamaadeen”
“Uma tababaran karo sida ciyaaraha heerka sare”
Dhanka kale Cisse wuxuu kubada cagta ku jiray in ku dhaw rubuc qarni madama uu 17-sano ciyaariyahan ahaa wuxuuna sanadkii 1998 kasoo bilaabay kooxda dalkiisa hooyo ee Auxerre.
Sanadkii 2004 ayey u suuragashay inuu yimaado Liverpool, balse kadib waayaha kooxdan Anfield ka dhisan wuxuu u saftay kooxaha: QPR, Sunderland, Bastia, Panathinoikos iyo Marsielle.
Ugu dambeyntii Djibril Cisse waxaa u nasiib daro ah inuu kaliya 9-gool u dhaliyo qarankiisa inkastoo uu 41-jeer kaliya kasoo muuqday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at