daajis.com:- Bannaanbaxyo looga soo horjeedo gabadhii Somaliyeed ee laga celiyay dalka Australia, ayaa siyaabooyin kala duwan kaga dhacay magaalooyinka Sydney iyo Melbourne ee dalkaasi.
Bannaanbaxaasha oo socod ku soo maray wadooyinka, ayaa waxay ugu dambeen isugu soo baxeen Xarumaha Waaxda Socdaalka ku lee dahay magaalooyinkaasi, waxayna halkaasi ka sheegeen inaanay ka aamusi doonin dib u celinta Abyan.
Bannaanbaxayaasha, ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin “Hala soo celiyo Abyan, hala xiro xeryaha ka furan Jazeeradaha Nauru iyo Manus, ma noqon doono kuwo aamusan iyo ereyo kale.”
Hormuudkii bannaanbaxayaasha, ayaa waxay Ra’iisal Wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull ugu baaqeen inuu isku xishoodo, isla-markaana uu ka shaqeeyo sidii gabadhaasi dib loogu soo celin lahaa Australia.
Qoraal ay soo saartay Abyan, ayna heshay Warbaahinta Australia, ayaa waxay si weyn uga hortimid inay diiday in ilmaha uurkeeda ku jira laga soo rido, iyadoo dhinaca kalana sheegtay in loo diiday inay aragto wax qareeno ah.
Qoraalka, ayaa waxay ku sheegtay inaanay arkin wax dhakhaatiir ah oo kala taliya, sidii ay ilmaha isaga soo tuuri laheyd, maadaama ay Australia u tagtey daryeel caafimaad.
“Aad baan u xanuunsanaa, marnaba maanan dhihin ma doonayo in ilmaha la iga soo rido. Marnaba ma arag dhakhtar. Waxaan arkay kalkaaliso caafimaad, balse ma arkin dhakhtar ila taliya, mana jirin wax turjubaan ah.” Ayay qoraalka ku sheegtay Abyan.
Abyan oo qoraalka ku muujisay inay u baahan tahay daryeel wanaagsan, ayaa ka codsatay Dowladda Australia inay caawiso.
Sheekada Abyan, ayaa caan ka noqotay dalka Australia, waxayna dood kulul ka dhex dhalisay Siyaasiyiinta reer Australia, waxayna shacabku muujinayan sida ay kaga soo horjeedan dib u celinteeda.
Murun xoogan, ayaa waxa uu ka taagan yahay nidaamka ay Australia ula dhaqanto qaxootiga, tan iyo markii ay soo ifbaxday kufsiga la xiriira gabadha magaceeda lagu sheegay Abyan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at