daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaliya Mudane Xassan sheikh Maxamuud ayaa Maanta ka qeyb galay shirka Hindia iyo Afrika ee Maanta ka furmay Caasimada dalka Hindia ee New Delhi.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Hogaamiyeyaasha dalalka Afrika, iyadoo shirka uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi oo khudbadiisa uga hadlay sida dalkiisu u doonayo inuu xiriir wanaagsan oo saaxibtinimo iyo ganacsiba ka kooban uu la yeesho dalalka Afrika.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaliya Xassan sheikh Maxamuud oo khudbada ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay marxaladii bur burka islamarkaana uu isbedel weyn ka jira amnigeeda, taasoo loo baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo si loo soo saaro kheyraadka ay leedahay oo bad iyo bariba ku jira.
Sido kale Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay mashaariicda loo baahan yahay in dalku helo iyo sida ay uga wada faa’iideysan karaan Soomaaliya iyo adduunka intiisa kale.
Shirka maanta ka furmay Magaalada New Delhi ayaa waxaa Khudbada ka jeediyay madaxda dalalka Kenya, Tanzania, Ethiopia, Uganda, Marutania ,Jabuuti, Egypt, Angola, Zambabwe iyo madax kale oo ka socotay dalalka Afrika kuwaasoo dhmaaantood muujiyay fursadaha Afrika ka jira gaar ahaan dalalkooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:00 and have


