daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo dalka Jabuuti uga qeyb galay shirka Wasiirada difaaca ee dalalka bariga Afrika, loogana hadlayay dhismaha Cidanka heeganka dalalka bariga Afrika ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in sidoo kale uu ka qeyb galay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee dalalka bariga Afrika, waxaana uu tilmaamay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa heegan u ah inay u gurmadaan dalalka bariga Afrika ee ee amni darrada soo wajahda.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in shirka dalalka bariga Afrika oo ka kooban toban dal ay Soomaaliya sanadka soo socda shir guddoomin doonto, isagoo xusay in haddii lagu guuleysto dhismaha ciidanka heeganka ee bariga Afrika ay dabooli doonaan baahiyaha xaga amniga ah ee ka jirta dalalka qaar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at