daajis.com:- Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ,Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in la dhisi doono inta aanu dhamaan sanadkan.
Maareeye ayaa sheegay in markii hore qorshuhu aha in bisha November la soo xulo ergooyinka iyo Baarlamaanka, si doorashada Madaxweynaha loo qabto, hase ahaatee ay dib u dhigeen murano iyo waxyaabo kale oo jiray.
“Meel aad u fiican ayey maraysaa howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe markii hore waxaa loogu tala galay bisha November in ergooyinka la xulo iyo baarlamaanka la xulo, si doorashada madaxweynaha loo galo, laakiin marka wax la dhisayo dad badan talada laga qeyb geliyo la rabo murano badan iyo waxyaabo kale iska soo baxaya”ayuu yiri Mudane Maareeye.
Ugu dambeynti Wasiir warfaafinta ayaa sheegay in ka hor bisha December ay suuroobi doonto in Madaxweyne iyo Baarlamaan la doorto, waxaana uu rajo ka muujiyay sida ay iminka u socoto howsha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:09 and have
, Published at