Faaqidaada kulanka xiisaha badan ee Soomaaliya iyo Niger

Faaqidaada kulanka xiisaha badan ee Soomaaliya iyo Niger

daajis.com:- Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ayaa ciyaari doono lugtii labaad is reeb reebka koobka adduunka ee wadamada Afrika.

Ogeysiiska Ciyaarta

Kulanka: Somalia Vs Niger,

Taariikhda: 13 October 2015,

Garoonka: Général Seyni Kountché,

Saacadda:6:00 maqribnimo

Tartanka: Is reeb reebka koobka adduunka

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka Général Seyni Kountché, waxa ayna doonayaan wiilasha Soomaaliya in ay kasoo kabsadaan guuldarradii 2-0, ee gurigooda loogu soo adkaaday.

In ay ku badiso 3-0 waa natiijada cadeyneysa in Soomaaliya ay u soo bixi karto wereega xiga ee koobkani iyadoo sidoo kale rajada xulka uu yahay in ay ugu yaraan kubadiyaan 2-0.

Weerarka xulka ayaa macquul ah in uu caawa hogaamiyo xiddiga kooxda Saxfi Bille Muxudiin Buraale kaasoo kulankii ugu dambeeyay laga door biday xiddiga Sheegoow.

Xiddigaha Soomaaliya ayaa shalay tababar fudud waxa ay ku sameeyeen garoon ku yaala dalka Niger waxaana rajada xulka uu yahay mid aad u wanaagsan inkastoo lagu leeyahay labo gool.

Akhriso Line Up-ka Macquulka ah

Mustaf Khaalib Xuseen (LL PP Jeenyo)

Daafacyada

Xasan Cali Babaay(Elman) Xasan Xuseen Afgooye (Elman) Cabdikariin Baqori (Heegan) Cabinaasir Hargaandi(Banaadir SC)

Khadka Dhexe

Cabaas Amiin (Dekedda) C/kariin Qubaaye- (Dekedda) Cusmaan Xaajoow (Elman) Mahad Yare (Heegan) Daadir Amiin (Banadir SC)

Weerarka

Bille Muxudiin Buraale (Sahafi)


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada