Fadeexad: Yuu R/wasaare Cumar u magacaabay Xiriiriyaha Guddiga farsamada Madasha Qaran?

Fadeexad: Yuu R/wasaare Cumar u magacaabay Xiriiriyaha Guddiga farsamada Madasha Qaran?

daajis.com:- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku dhaqaaqay tallaabo kale oo shaki gelisay maamul goboleedyada iyo xubnaha golaha wasiirada kadib markii uu xiriiriyaha guddiga farsamada ee Madasha Wadatashiga Qaran u magacaabay mid kamida gacan-yareyaasha Axmed Madoobe.

Waxaa xilkan Ra’iisal wasaaraha u magacaabay C/qani Cabdi Jaamac oo hadda sii haya xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland, waxaan la yaab leh in Ra’iisal wasaaruhu ninkan ka dhigay mas’uul ka socda xafiiskiisa, iyadoo uu ka mid yahay Golaha wasiirada Maamulka Axmed Madoobe, kadibna xubin cusub oo ah Axmed C/raxmaan Xasan Guddiga ka siiyay isla maamulka Jubba.

Waxaa kaloo shaki weyn laga muujiyay in magacaabiddan ay soo baxday iyadoo Ra’iisul wasaaruhu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo dalkaba uu ka maqnaa. Siyaasiga C/qani Cabdi Jaamac ayaa wararku sheegayaan inuu si weyn ugu xiran yahay dowladda Kenya oo siyaasadaheeda ka fuliyo Jubbooyinka.

Arrimahan oo dhan iyo xaaladda kala-guurka ah ee dalku cagta saaray waxay u muuqataa in madaxda sare ay ku dhaqaaqi doonaan ku takri fal awoodeed iyadoo ay jirto cabsi weyn oo ku saabsan faragelin shisheeye iyo dano beeleed oo wada socda, waana fadeexad weyn oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku dhacay in wasiir ka mida maamulka Jubba oo ka dhigo mas’uul xafiiskiisa ka tirsan.

Xigasho: Goobjooge.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada