daajis.com:- Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo Kuwait uga qeybgelaysa shirka kalfadhiga 62-aad ee wadammada Bariga iyo Mediterranean ayaa la kulantey wasiirka caafimaadka ee dowladda Kuwait Dr. Ali Al cubeydi.
Labada wasiir ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka iyo in dowladda Kuwait ka qeybqaadato dib u dhiska isbitaalada dalka, iyo sidii ay kaalin uga qaadan lahayd tababarrada dhaqaatiirta guud iyo kalkaaliyaasha caafimaadka ee dalka.
Dowlada Kuwait ayaa ballanqaadday in ay ku caawin doonta wasaarada caafimaadka gaadiidka gurmadka deg degga ah oo qalabkooda u dhameestiranyahay
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulantey hay’ado caafimaad iyadoo kalana hadashay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen baahida caafimaad ee ka jirta dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at