Guddoomiye Muungaab oo afka furtay sheegayna arrin ay shacabka Muqdisho wada sugayeen (Sawirro)

Guddoomiye Muungaab oo afka furtay sheegayna arrin ay shacabka Muqdisho wada sugayeen (Sawirro)

daajis.com:- Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Dagmada Dharkeenley oo ku saabsaneed aruurinta canshuuraha guryaha oo dhowaan bilowday Dowladda Hooseee Muqdisho ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in wadooyinka Caasimadda ay u xirnaadaan shaqsiyaad iyo hey’ado.

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la arkaa iyagoo ay ku xeran yhiin dhagxo shub ah iyo saan-baagyo waa weyn, kuwaasoo ay dhigteen hey’ado dowli ah, kuwo qaas ah iyo hotelo, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay in mudoo kooban uu ku qaadi doono dhamaan jidgooyooyinkaas, isagoo xusay in la tixgalin dono duruufta amni, balse aan loo dulqaadanayn in gabi ahaan jidka la gooyo oo shacabka cariiri isu socod la geliyo.

Guddomiye Muungaab ayaa sheegay in sharci ahaan ay tahay hadii ay jirayso in jid la xiro ay tahay in ogolaansho laga helo Duqa Caasimadda Muqdisho, balse hada ay qof walba u muuqato mid iska qaadanaysa go’aan shaqsiyadeed, taasna ay goor dhow soo afjarmi doonto.

“Wadooyinka caasimadda oo dhagaxo ku go’an, waxa ay muujinaysaa sawir fool xun oo aan ka tarjumayn horumarka caasimadda, taasna ma ah mid la fiirsan karo waan ka nadiifinaynaa goor dhaw”ayuu yiri Guddoomiya Muungaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqsi ahaan isaga uu dagan yahay dagmada Heliwaa, isla markaana ay furan tahay wadada marta albaabka gurigiisa marnabana ay ku soo dhicin in uu goosto wadada taasoo dhib u noqonayso shacabka isticmaala wadadaasi.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa faray hey’adaha amniga sida Booliska iyo nabadsugida inay u diyaar garoobaan howlgal balaaran oo lagu xaqiijin doono in Muqdisho ay u ekaato caasimadaha dhigeeda ah, iyadoo la qaadi doono dhamaan jidgooyooyinka aan daruuriga ahayn ee yaalaa jidaka caasimadda.

Arrintan ayaa waxaa dhibaato weyn ku qabay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo muddooyinkii u dambeeyay aad uga cabanayay jidadka la xirtay ee dhagxaanta lagu gooyay, waxaana dhibaatada ugu weyn ee ku yeelatay ka mid ahaa haweenka uurka leh ee xilli saq dhexe fool ku soo booday oo adkaatay in gaari guryahooda looga soo qaado, maadaama wadooyinka ay dhagxaan ku go’naayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada