Louis Van Gaal Oo Amar Ku Bixiyay In Xeyndaab Loo Sameeyo Garoonka Tababarka Man United. Maxay Tahay Sababta?

Louis Van Gaal Oo Amar Ku Bixiyay In Xeyndaab Loo Sameeyo Garoonka Tababarka Man United. Maxay Tahay Sababta?

daajis.com:- Ninka inta badan ka walwalsan arimaha amaanka Louis van Gaal ayaa amar ku bixiyay in xeyndaab loo sameeyo xarunta tababarka ee kooxda koowaad ee Manchester United ee Carrington.

Macalinka reer Holland ayaa weydiistay in shiraac cagaaran lagu gadaamo garoonka tababarka si loo hubiyo in cidna aysan basaasi karin taatikadiisa.

Iyadoo uu xeyndaabka cusub uu ka celin doono in banaanka kore laga soo eego kooxdiisa, waxaa sidoo kale loo arkaa inay faa’ido u tahay dhanka howlgalka xayaysiinta kooxda.

Daily Mail ayaa sheegeysa in shiraaca cusub lagu xardhi doono calaamadaha shirkadaha ay xayaysiiso kooxda halka sidoo kale ay u ogolaan doonto shirkadaha kale inay darbigaan cusub xayaysiino ku dhejistaan.

Waxa uu sidoo kale xeyndaabka ka celinayaa garoonka inay saameyn ku yeelato cilimada dabeylaha leh ee garoonka kaga soo dhacda dhanka waqooyi galbeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada