Ugu dambeen wadayaasha Mooto bajaajka oo loo fasaxay inay hormari karaan wadada Madaxtooyada Somaliya

Ugu dambeen wadayaasha Mooto bajaajka oo loo fasaxay inay hormari karaan wadada Madaxtooyada Somaliya

daajis.com:- Xilli shan maalmood ka hor wadayaasha mooto bajaajka looga digay inay adeegsadan wadada hormarta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho (Villa Somalia), ayaa waxaa loo sheegay inay hormari karaan wadadaasi.

General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in wadayaasha mooto bajaajka, ay adeegsadan karaan wadadaasi.

Taliyaha, ayaa Ciidanka Dowladda qaarkood ku eedeeyay inay iyagu ka dambeeyen tallaabada mooto bajaajka loogu diiday inay hormarta wadada Villa Somalia, balse aanu ahayn amar guud oo laamaha ammaanka ka soo baxay.

Taliyaha waxa sidoo kale uu sheegay in markii hore ay suurta gal tahay in wadadaasi ay askartu kaga mamnuuceen mooto bajaajka, mid ay u arkayen inay ku xoojinayan ammaanka Madaxtooyada.


Sidoo kale waxa uu Ciidamada Dowladda uu kaga digay inay dhibaato u gaystan wadayaasha mooto bajaajka, xilli sida uu sheegay ay ka qaadayan lacago aan sharci ahayn, tallaabana laga qaadi doono askarigii lagu qabtaa, sida uu yiri.

Wadayaasha mooto bajaajka, ayaa Sabtidii bannaanbax ka dhigay Magaalada Muqdisho, iyagoona kaga cabanaayay tallaabada loogu diiday inay hormaraan wadada Madaxtooyada iyo lacago sharci daro ah, oo sida ay sheegeen ay ka qaadaan Ciidamada Dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada