Kenya oo diiday in muranka badda ee kala dhaxeeya Somalia lagu xaliyo maxkamaddda caalamiga

Kenya oo diiday in muranka badda ee kala dhaxeeya Somalia lagu xaliyo maxkamaddda caalamiga

daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa si cad ugu hortimid dacwada muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya kaasoo bishii 28-kii August 2014, Dowladda Soomaaliya maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u gudbisay.

Xeer illaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai ayaa ku tilmaamay dacwada Somalia ay ka gudbisay Kenya mid shraci daro ah, isla markaana Somalia ay ku dooneyso in ay ku qaadato dhul badeedka lagu muransan yahay iyadoo aan wado sharci ah u marin.

som-kenyaGithu Muigai ayaa sheegay inuu jiray heshiis labada dal horey u dhex maray kaas oo dhigayey in arrinta khilaafka dhul badeedka lagu xaliyo wada xaajood oo aan maxkamad la horgeyn, taasoo jabineysa buu yiri heshiiskii ka dhaxeeyay labada dal ee horay loo galay.

Wuxuu xeer illaaliyaha Kenya sheegay iney haboon tahay in wado aan maxkamad caalamiga aheyn loo maro labada dalna ka wada hadlaan muranka u dhaxeeya inta aan la gaarin maxkamad.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in arrinta muranka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamada iyadoo intaas ku dartay iney ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan All-shaabaab, waxayna sheegtay in la gaaray xilligii soomaaliya ay iska dhaafi lahayd  muranka ka dhaxeeya labadal iney u marto qaab maxkamadeed.


Kenya waxay ku eedeysay Soomaaliya inay dhinac aan wanaagsaneyn ka eegtay arrinta ku aadan muranka dhulbadeedka isla markaana ay Soomaaliya hilmaantay abaalkii Kenya u gashay Soomaaliya.

Kenya waxay sheegtay in loo baahanyahay in Soomaaliya ay ka fikirto islamarkaana maxkamadda adduunku ay ka fikirto in Kenya ay Soomaaliya u dirtay askarteeda si ay gacan uga siiyaan dowlada Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo kaga jawaabeyso diidmada ay Kenya ku diiday dacwada maxkamadda caalamiga loo gudbiyay ma jirto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada