Dagaal Gaadiid Looga Gubay Ciidamada Itoobiya oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baardheere.

Dagaal Gaadiid Looga Gubay Ciidamada Itoobiya oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baardheere.

daajis.com:- Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan hoos yimaad magaalada Baardheere. 

Dagaallada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada shabaab ay weerar dhabagal ah u dhigeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo u socday deegaanka Ceel-cilaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay kadib ciidamada Itoobiya lagu qasbay in ay dib u laabtaan goobtay ka imaadeen. 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ee amisom gaadiid looga gubay dagaalkii maanta waxaana gaadiidka la gubay kamid ah gaari Uuraal ah iyo mid kale oo Cabdi Bile ah.


Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalka dhexmaray waxii kasoo gordha kala soco warbaahinta daajis.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada