daajis.com:- Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya ee la keeno gudaha dalka Somaliya, iyadoo sheegtay Kenya inaysan marnaba joojineyn qaadka Somaliya ay u dhoofiso.
Joseph Nkaissery, Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya, ayaa sheegay Qaadka dalkiisa laga keeno ee Somaliya loo soo dhoofiyo inaysan joojineyn, maadaama sida uu sheegay ay tahay arin ganacsi ah oo dalka Kenya dhaqaalo ay ka hesho.
Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay joojinta qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.
Wuxuu si cad u sheegay Wasiirka dowlada Kenya u hadlay in Dowlada Somaliya ay mamnuuci karto qaadka, kadibna Kenya ay joojin karto qaadka, laakiin madaxda haddii aysan ka hadleynin inay sii socon karaan iibinta qaadka la geeyo Somaliya.
Kenya waxa ay dhaqaalo badan ka heshaa Qaadka Miirooga ee laga soo dhoofiyo dalkeeda, waxaana Somaliya maalin waliba la keena diyaarad weyn oo u dhiganta dhowr diyaaradood, taasi oo keenta Qaadka Somaliya laga isticmaalo.
Dowladda Somaliya lafteeda qaadka waxa ay ka heshaa dhaqaalo badan oo canshuuro ah, marka dhinacaasi la eegana Dowladda waxaa ku adag go’aan qaadashada ku saabsan qaadka Somaliya la keeno in la joojiyo.
Ganacsato badan oo Somali ah ayaa ku tiirsan ka ganacsi qaadka la keeno dalka Somaliya iyo iibintiisa intuba.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:42 and have
, Published at