Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Netherlands

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Netherlands

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyey doorka Boqortooyada Netherlands ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero sidii barnaamijyo mihnadeed loogu fidin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana Midowga Yurub iyo beesha caalamka ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya sidii loo joojin lahaa falal kaluumeysi sharci darro ah oo ay xeebaha dalka ka sameynayaan maraakiib shisheeye.

Danjire Makken, safiirka cusub ee Netherlands, ayaa isna sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada ay ka geysaneyso barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.


Safiirka ayaa intaa ku daray in Boqortooyada Netherlands oo la shaqeyneysa Midowga Yurub ay wadajir wax uga qaban doonaan baahiyada ka jira Soomaaliya, iyagoo talooyin ka qaadanaya madaxda Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye ayaa sheegay inay soo badanayaan dalalka Safiiro u soo magacaabaya Soomaaliya, isla markaana Madaxweynaha uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada