West Ham United Oo Chelsea Marisay Dariiqii Ay Hore U Soo Tustay Kooxaha

West Ham United Oo Chelsea Marisay Dariiqii Ay Hore U Soo Tustay Kooxaha

daajis.com:- Kooxda Chelsea ayaa markale guuldaro kala kulantay kooxda West Ham United, waxayna West Ham guushan qaaliga ah ku gaadhay 2:1. Mauro Zárate iyo Andy Carroll ayaa West Ham udhaliyay goolasha ay kulankan guusha ku gaadhay halka uu Gary Cahil kooxdiisa udhaliyay goolka kaliya ee ay kulankan la timid.

Laakiin kulankan ayaa ahaa mid uu muran hadheeyay iyada oo kaadhka cas loo taagay Matic iyo Mourinho halka ay Chelsea ku dooday in gool  uu Fabregas dhaliyay laga diiday. Laakiin ugu danbayn kooxda West Ham United ayaa Chelsea marisay dariiqii ay kooxaha waa wayn xili ciyaareedkan u soo marisay ee Arsenal, Liverpool iyo Manchester City.

Chelsea oo xili ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska ku bilaabatay qaab ciyaareed liita ayaa marti u ahayd kooxd West Ham, wuxuuna Mourinho doonayay in guushii ay kooxdiisu ay Aston Villa ka gaadhay ay ka dhigato halkii ay xili ciyaareedkeeda kubadali lahayd.

Laakiin West Ham United oo xili ciyaareedkan ku bilaabatay dardar fiican ayaa dhibaceeda doonaysay inay sii wadato ugaadhsiga kooxaha waa wayn kadib markii ay wadao soo wada marisay kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester City.

Labada kooxood ee Chelsea iyo West Ham ayaa ciyaarta ku bilawday qaab ciyaareed xamaasad iyo weerar badan ah, waxaana bilawgii ciyaartaba fursaha ugu badan abuurtay Chelsea oo u muuqatay inay kulankan la soo baxday dardar fiican.

Laakiin daqiiqadii 17 aad ayay West Ham United heshay fursada ay hogaanka ciyaarta kula wareegtay kadib markii uu  Mauro Zárate udhaliyay gool qurux badan kooxdiisa u saxiixay kadib markii uu ka faa’iidaystay kubbad koorne ahayd oo ay Blues si fiican iskaga saari wayday, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay West Ham hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Chelsea ayaa intaa wixii ka danbeeyay ciyaarta maamulkeeda la wareegtay waxayna samaysay fursado cadaan ah oo gool loo fishay. Daqiiqadii 33 aad ayuu Willian ku sigta inuu Blues u keeno barbaraha kadib markii uu kubbada laaga xorta ah uu si fiican u tuuray laakiin jamaabta goolhaye Adrian ayaa noqotay mid fursad beenisay.

Markale Chelsea ayaa daqiiqadii 35 aad ayay markale Chelsea u muuqaay inay heshay goolkeeda barbaraha kadib markii uu  Kurt Zouma kubbada uu madax ku darbeeyay ay u muuqatay inay ka gudubtay xariiqada goolka balse Lanzini ayaa kubbada dirqi iskaga saaray. Muqaalada iyo sawirada dhacdan laga qaaday ayaa muujisay in centimetre  ay kubbu u jirtay inay xariiqada ka gudubto oo ay gool noqoto.

Daqiiqadii 40 aad ayay markeeda West Ham heshay fursada loo fishay inay goolka labaad kula timid kadib markii uu Lanzini banaan ku helay goolhaye Begovic balse kubbada uu goolhaha ka dulqaaday Lanzini ayaa birta goolka wax yar sare ka martay.

Daqiiqadii 43 aad ayay Chelsea gool la timid kadib markii uu Fabregas kubbad si fiican udhamaystiray laakiin calanwadaha ayaa tilmaamay in xidiga ree Spain uu offside ku jiray balse muuqaalada iyo sawirada ayaa muujiyay in aanu Fabregas offside ku jirin inkasta oo uu shaki yari ku jiray isla markaana aan calanwadaha lagu eedayn karin inuu goolkan diiday.

Daqiiqadii 44 aad ayuu Chelsea xaalku ku sii xumaaday kadib markii  Nemanja Matić loo taagay kaadhka cas isaga oo kaadhkii labaad ee digniinta ahaa ku qaatay Sakho, xidiga ree Serbia ayaa qalad ku lahaa inuu halista iska ilaalin waayay wuxuuna garsooraha udiiday wax kala doorasho ah.


Garsooraha ayaan arinta ku deg degin wuxuuna marka hore la tashaday calanwada agtaagnaa goonta uu qaladka ku galay  Nemanja Matić taas ayaana keentay in Chelsea 10 ciyaartoy lagu soo yareeyo.Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay West Ham United hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Mourinho shaxdiisa wax ka soo badalay wuxuuna saaray Cesc Fàbregas halka uu kooxdiisa ku soo xoojiyay John Obi Mikel. Laakiin Mourinho laftiisa ayaa kaadhka cas loo taagay kadib markii ay waqtigii nashada isku dhaceen garsooraha.

Laakiin Chelsea ayaan dhibaato wayn u dareemin maqnaanshaha Nemanja Matić waxayna sii waday inay weeraro ku qaado West Ham isla markaana ay fursado abuurto. Daqiiqadii 56 aad ayay Chelsea heshay goolkeeda barbaraha kadib markii uu difaaceeda Gary Cahill kaas oo kooxdiisa culayska ka yareeyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.Chelsea

Laakiin kooxda West Ham ayaa bilawday sidii ay ula iman lahayd goolkeeda labaad, waxayna fursadeeda goolka labaad heshay daqiiqadii 79 aad kadib markii uu Andy Carroll kaas oo ka faa’iidaystay kubbad dheer oo uu soo tuuray  Aaron Cresswell, wuxuuna si fiican kubbada u dhaafiyay goolhaye Begovic, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay markale West Ham United hogaanka kula wareegtay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay West Ham ku gaadhay guul dahabi ah iyada oo 12 dhibcood ka heshay afar kulan oo ay la ciyaaray kooxaha Arsenal, Liverpool, Manchester City iyo Chelsea, waxaana hubaal ah in West Ham United ay xili ciyaareedkan tahay kooxda dhibta ugu badan u gaysatay kooxaha waa wayn. Chelsea ayaa hadda shan dhibcood oo kaliya ka saraysay saddexda kooxood ee Horyaalka ugu hooseeya iyada oo waliba Newcastle United bari ciyaari doonta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada