daajis.com:- Koox dhalinyaro arday ah ee jabsaday Emailka Agaasimaha CIA-da Maraykanka John Brennan ayaa saxaafada u sheegay inay doonayaan in Maraykanka uu joojiyo taageerada uu siinayo maamulka Isra’iil.
Qaar kamid ah kooxda emailka xaday ayaa si toos ah telefoonkiisa uu wacay John Brennan, waxayna sheegeen inuu u balan qaaday lacag hadii ay xogta usoo celinayaan, balse waxay sheegeen in codsigooda uusan lacag ahayn balse doonayaan in Maraykanka joojiyo taageerada uu siiyo Isra’iil iyo dilka dadka masaakiinta ah.
Dhalinyaradan oo la sheegay inay gaarayaa 6 qof oo kala jooga Maraykanka iyo UK ayaa sheegay inay si fudud kula wareegeen Emailka John Brennan halkaasi oo ay kala baxeen xog badan oo xasaasi ah oo ay ku wareejiyeen shabakada faafisa xogta sirta ah ee Wikileaks.
Ardaydan ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan xog kale oo ay kala baxeen Emailada mas’uuliyiin sar sare oo aysan magacooda shaacin, iyagoo balan qaaday in 5ta bisha November xog cusub soo bandhigi doonaan.
Xogta lagala baxay Emailka khaaska ah ee Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka ayaa waxaa kamid ahaa macluumaad xasaasi ah oo uu gudbiyey wasaaradaha, Baarlamaanka iyo Aqalka Cad xiligii uu ahaa Lataliyaha Madaxweyne Obama ee dhanka la dagaalanka argagaxisada, xogtaasi qaar la xariirtay jirdilka Maraykanka u geysto dadka uu qabto.
Waxaa sidoo kale xogta laga xaday Mr.Brennan ku jiray in badan oo kamid ah ciwaanadiisa goobihii uu degenaa iyo waliba meelaha ay kala degen yihiin Qoyskiisa iyo ciwaanada lagala xariiri karo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:56 and have
, Published at