Netanyahu oo Naftiisa Usoo Jiiday Fadeexad Taariikhi ah

Netanyahu oo Naftiisa Usoo Jiiday Fadeexad Taariikhi ah

daajis.com:- Caalamka oo dhan Baraha bulshada ay kuwada xiriirto ayaa waxaa lagu gorfeynayay hadallo lama filaan ah oo kasoo yeeray ra’sul wasaaraha Isra’il  Benjamin Netanyahu isagoo ka hadlayay Holocaust-gii Yahuudda lagu gubay dalka Jarmalka waxaanuu sheegay:” hogaamiyihii Nazi-ga   Adolf Hitler aanuu doonayn inuu Yahuudda gubo laakiin fikradda uu ku dhaliyay sheikh Mufti ahaa oo u dhashay dalka Falastin lana oranjiray Mufti al-Xuseen”.

Nertanyahu oo  Magaalada Qudus ku la hadlayay ururka Yahuudda ee Caalamiga ah ayaa yiri Nin falastini ah ayaa ka dambeeyay in Yahuudda lagu gubo dalka Jarmalka , arinkaasuu ka doonayay inuu qiil ugu helo dhibaatada manta ka taagan Falastiin iyo xasuuqa ay waajahayaan shacabka tabarta yar ee dhagaxa ku dagaalamaya.

Arinkan ayaa ku noqotay hadal uu iska yiri laakiin Adduunka oo dhan gilgilay oo la hadal hayo , waxaana aad loola yaabay sida uu xaqiiqada u dhalan rogayo taariikhdana uu been uga sheegayo .

Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka  Angela Merkel ayaa u jawaabay oo tiri:” Holocaust waa mas’uuliyadda Jarmalka  maha wax uu ka dambeeyay Muftii Xuseen”




-dhanka kale hogaamiyaha mucaaradka Isra’il hogaamiyaha xisbiga “Zionist camp” ninka la yiraahdo Isaac Herzog ayaa soo saaray war-saaxaafadeed :”in la yiraahdo Mufti Xuseen ayaa ka dambeeyay in Hitler gubo yahuudda “Holocoaust-ga” waa  khalad taariikhi ah oo khatar ah waajibna ay tahay in la saxo”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada