daajis.com:- Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa Khamiistii shalay ka hor markhaati furtay congresska hortiisa. Clinton ayaa la weydiinayey sida uu ku dhacay weerarkii 11kii September ee sanadkii 2012. Weerarkaas ayaa waxa lagu dilay danjirihii Maraykanka ee dalka Libya Christ Stevens.
Su’aalahan uu congresska Maraykanka weydiinayey Hillary Clinton ayaa qaatay 11 saacadood. Clinton oo la arkayey iyada oo qufacaysa, biyana kabanaysa ayaa gudigii su’aalaha weydiinayey ee congresska ee uu Jamhuurigu ku badan yahay u sheegtay in dhacdadii Benghazi darteed ay ku hurdo weyday in ka badan inta dadka su’aalaha weydiinaya oo dhan oo la isku daray ay ku hurdo waayeen.
Clinton waxay ahayd markhaatiga kaliya ee Khamiistii shalay ka hor markhaati furayey dhageysiga afraad ee congresska Maraykanku wax kaga ogaanayo weerarkii Libya ee keenay in afar maraykan ahi dhintaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at