Paul Scholes Oo Weeraray Manchester United Kadib Kulankii CSKA Moscow: “Wax Tayo Ah Ma Lahan”

Paul Scholes Oo Weeraray Manchester United Kadib Kulankii CSKA Moscow: “Wax Tayo Ah Ma Lahan”

daajis.com:- Halyeeygii hore xulka England iyo Kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa weeraray kooxdisii hore isagoo soo jeediyay ineysan wax bandhig ah sameynin ama aysan sameyn dhaqaaq dhanka weerarka ah kulankii ay barbaraha la galeen CSKA Moscow xalayto.

Louis Van Gaal kooxdiisa ayaa hogaanka loo qabtay qeybtii hore ciyaarta markii kubad uu gacanta ku taabtay Anthony Martial looga dhigay rigoore (gool ku laad), De Gea ayaa badbaadiyay kubadii uus oo tuuray Eremenko balse Seydou Doumbia ayaa gool u sarifay kubadii kasoo laabatay De Gea.

Anthony Martial ayaa madax qurux badan barbaro ugu keenay Manchester United qeybtii dambe ciyaarta markii uu ka faa’ideystay kubad uu dhinaca ka keenay Antonio Valencia.

Balse Scholes oo laba jeer kooxdaan kula guuleystay tartankaan ayaa soo jeediyay in kooxdiisii hore aysan wax bandhig ah sameynin sidoo kalana aysan sameyn dhaqaaqii laga filayay.

“Mark aaad fiiriso kooxda United, wax tayo ah ma lahan, ma jirin dhaq-dhaqaaq, sidoo kalana ciyaartyda ma aysan ordin” ayuu yiri Paul oo falanqeeye ka ahaa BT Sport.

“Miyey tani tahay habkii ay sheegeen iney u ciyaarayaan?”

“Dhamaantood waxey si nabad galyo ah ugu ciyaareen garoonka, ma xasuusto kubad uu baasay Rooney, ma jirin wax dhaq-dhaqaaq ah” AYuu yiri Scholes.

“Waa inaad hesho ciyaartoy khadka dhexe ah oo ordeysa, Ander Herrera, Jesse Lingaard, Anthony Martial – waxey kubada siinayeen Rooney isagaana ordayay, balse ma jirin qof ka mid ah ayaga oo ku fakaray inuu ordo”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada