Qalalaase Siyaasadeed oo ka dhex taagan Wasiirada iyo Madaxweynaha Somaliland (VIDEO)

Qalalaase Siyaasadeed oo ka dhex taagan Wasiirada iyo Madaxweynaha Somaliland (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday in wasiirada iska casilay xilalkoodu uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dowladda uu madaxweynaha u yahay.

Ugu yaraan shan Wasiiro iyo labo wasiir Ku Xigeeno ayaa waxay maanta Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen in ay iska casileen xilalkii ay hayeen, iyagoo sababo la xiriira Madaxweynaha oo nin jecleysi ay ku eedeeyen.

biixi yoonis-67Wasiiradii maanta is Casilay ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu si buuxdo u taageerayo Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland oo isagana galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu si xoogan u beeniyay eedeymaha kaga yimid Wasiirada is casilay.


Madaxweynaha waxa uu xusay in Wasiirada ay u madax bannaan yihiin, haddii ay is casilaad doorteen, isla-markaana ay meesha ka jirto Dowlad diyaar u ah inay boosaskooda buuxiso.

Madaxweynaha waxa kaloo uu sheegay inaysan Xukuumaddu u joojin doonin cidii aan doonayn inay shaqeyso, isla-markaana ay jiraan dad badan oo diyaar u ah buu yiri inay Qaranka shaqeeyan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada