Daawo:- Shariif Xassan oo kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Britain ee Somalia

Daawo:- Shariif Xassan oo kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Britain ee Somalia

daajis.com:- Danjiraha dalka Britain u fadhiya Somalia Ms Harriet Mathews ayaa booqasho ku gaartay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Booqashada Danjiraha ayaa waxaa ku wehliyay xubno kale, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Booqashada Danjiraha ayaa ku qotontay u kuurgalida xaalada dhabta ah, indha indheynta howlaha Maamulka, wax ka ogaanshiyaha dhismaha Baarlamaanka iyo arrimo kale.


Kulan ay la qaadatay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xassan ayay uga wada hadleen arrimo gaar ah, waxa ayna isla meel dhigeen ballamo lagu dar dar galinaayo howlaha Maamulka.

Safarka Danjiraha ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay ku gaarto Magaalada Baydhabo, waxa ayna inta ay halkaasi ku sugan tahay cagta marin doontaa Xarumaha Ciidamada Maamulka gaar ahaan kuwa uu tababarka uga socdo Ciidamada Maamulka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada